Madaale oo furay wejiga labaad ee mashruuc 7 sano ka hor laga hirgeliyey Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda ee la magac baxay (Dalkaaga ku dhiso hal dollar).

Madaale oo ka hadlayey munaasabadda lagu daah-furayey barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda ayaa sheegay in mashruuca dalkaaga ku dhiso hal doolar ee horey u guuleystay uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo maamulka Gobolka Banaadir uu dib ugu hagaaajinayo waddooyinkii burburay, kuwa cusubna ku hirgelinayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay iyadoo la ballaariyey mashruucii dalkaaga ku dhiso hal dollar caawa la bilaabay wajigiisii labaad, isaga oo ku baaqay olole ay dadka Soomaaliyeed kaalintooda uga qaadanayaan mashruucani.

Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud Mudane Xasan Jimcaale ayaa marti sharafta ka qeyb galaysa munaasabadda lagu daah-furayo Barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda u faah-faahiyey ahmiyadda uu leeyahay.

Barnaamijkan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka hirgeliyey Madaxweyne Xassan Shiikh muddo xileedkiisii hore xiligii Jen. Mungaab hayey xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, waxaana lagu dhisay mashaariic badan oo ay ku jireen jidad badan.

HOOS KA DAAWO KHUDBADDA MADAALE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -