Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Cali Jeyte & ciidan uu wato oo Al-Shabaab ku weeraray Jiinka webiga Shabelle

WAR-SAXAAFADEED

Gudoomiyaha gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa maalinkii sadexaad oo xiriir ah hogaaminayo gulufka ka dhan ah khawaariijta Al-shabaab kuwaasoo looga saarayo degaanada koonfurta degmadda Beledweyne oo si dhuumaaleeysi ah ay ku yimaadeen khawaariijta.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa gaaray Degaanada Jiinka wabiga ee koonfurta magaalada Beledweyne, ayadoo khawaarijta ay dooman isticmaalayeen si Dhuumaaleeysi ah, waxaana laga burburiyey doonyo badan, iyadoo sidoo kalane Firxadkooda aay ku raad joogaan.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyey in khawaarijta Al-shabaab ay mar walbo sii cararayaan ayagoo Aan laheyn awood ay ku dagaalamaan ciidamada huwanta, Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Al-shabaab aan fursad la siinin isagoo Xusay in ay yihiin kuwo waqtigooda dhamaaday.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa wado dedaaladii ugu dambeeyey ee lagu sugayay amniga deegaanadda dhaco Koonfurta magaalada Beledweyne ee ku teedsan Jiinka wabiga oo Argagixisada ay ka sameynayaan arbushaad, iyadoo inta badan la soo afjaray.

Maamulka gobolka Hiiraan
-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamdaha sare ee dalka oo jeediyey hadal digniin ah

Caydiid Ali

Maxay Galmudug ka tiri go’aanadii Golaha amniga Qaranka?

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo taageertay dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---