Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saakay soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudooyinkii dambe kunoolaa dalka dibadiisa,

Garoonka Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya, Xildhibaanada labada Aqal, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u taageersanaa.

Imaanshaha Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn looga dareemay, waxaana magaalada saakay ka jira mashquul badan oo ka dhashay imaanshaha Xasan Sheekh oo mudo sanad ah dalka ka maqnaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulamo kala duwam la qaadan doona, Masuuliyin katirsan dowlada, Siyaasiyiin, waxgarad iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta yeelanaya fadhi looga doodayo qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

Guddi baaraya Xildhibaanadii Foodada ka sameeyay xarunta Golaha Shacabka oo la magacaabay

Cabdi Cade

Gantaalo culus oo lagu garaacay Suuq kuyaalla Khartuum iyo dad badan oo ku dhintay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---