Allbanaadir.com
NEWS

Guddi baaraya Xildhibaanadii Foodada ka sameeyay xarunta Golaha Shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar,maanka federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday xarunta golaha shacabka.

Guddigan uu magacaabay Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa baaris ku sameenaya xildhibaanadii golaha shacabka ee buuqa iyo foodada ka sameeyay maalintii ansixinta xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa foodo ka sameeyay xarunta golaha shacabka, waxaana xildhibaan katirsan golaha shacabka caag ku tuuray guddoomiyaha golaha Sheekh Aadan Madoobe, isagoo sidoo kale firinbi ka yeeriyay gudaha xarunta.

Related posts

Mowjado Siyaasadaysan oo ku furan Madaxweynaha Puntland & Faahfaahino ka soo baxaya nabadoon caan ah oo la dilay !!

admin

Fariisimo ay lahaayeen xoogag taabacsan Al-Shabaab oo lagu burburiyey howlgal

Caydiid Ali

Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---