Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo culus oo lagu garaacay Suuq kuyaalla Khartuum iyo dad badan oo ku dhintay

Dalka Sudan waxaa dib uga qarxay dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee RSF , waxaana bur buray xabbad joojin ay horey u kala saxiixdeen ergo kala mataleysay labada garab ee isku haya Sudan.

Dagaalo culus iyo duqeymo ayaa shalay ka dhacay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka  Sudan, labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaana is dhaafsanayay hubka culus nuucyadiisa kala duwan.

Gantaalo culus ayaa shalay oo Arbaco ah lagu garaacay koonfurta magaalada Khartuum, waxaana la sheegay gantaaladaasi sababeen geerida in ka badan 17-qof, halka ay ku dhaawacmeen 106-qof.

Khasaaraha ka dhashay duqeyntan shalay dhacday ayaa la sheegay in ay aheyd tii ugu xumeyd ee dhacda soona gaarta dad shacab ah, tan iyo marka dagaalka Sudan qarxay, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan deg deg ah oo caawa ka socda xarunta Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Socdaalkii Soo Nooleynta Qaranka Soomaaliya Xiligii Xasan Shiikh (Muuqaal Xaqiiqo badan ku tusinaya)

admin

DFS oo hal shardi ku xirtay in Axmed Madoobe ka qeyb galo Shirka Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---