Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo Tababar cusboonaysiis ah loo furay (Daawo Sawirro)

Wasiir dowlaha Wasaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane. Maxamed Cali Xagaa iyo, Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Maanta Kormeer iyo Korjoogtayn ugu tagay Dufcadii 2-aad ee tababar cusboonaysiin ah ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ah loogu xareeyay Dugsiga Tababarka ee S/Guuto Kaahiye.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa Sheegay in tababarkan ay wada mari doonaan dhammaan ciidanku si xirfadaha loogu cusboonaysiiyo aadama ay in mudo ah shaqeynayeen.

Ugu dambeentii Wasiiru dowlaha iyo Taliyaha, ayaa Ciidankan kula Dardaarmay in ay marwalaba ushaqeeyaan Bulshada Soomaaliyeed, u dhimriyaan una dhaga nuglaadaan dadyowga ku dhaqan gayiga ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Shan Ruux (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Booliska DF oo soo bandhigay Sawirada iyo Magacyada askar shaqada laga eryey (Sawirro)

Caydiid Ali

Qatar oo ku guuleysatay marti gelinta tartan ciyaareed kale oo caalami ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---