Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Shan Ruux (Akhriso Magacyada)

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe waxa ay galabta ku toogteen shan ruux ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa sirdoono kala duwan.

Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegtay in shanta ruux ee la toogtay in ay ahaayeen  jawaasiis u shaqeysa sirdoonada dowlada Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo sidoo kale Britain.

Al Shabaab ayaa sheegtay in xubnahan ay dileen ay maleegeen dhagar ay sheegeen in lagu waxyeeleeyay dad Soomaali ah, waxa ayna Shabaab sheegeen in xubnahan gacanta lagu dhigay iyaga oo falal jaajuusnimo ah ku guda jiray.

Halkan ka Akhriso Magacyada Shanta ruux ay Shabaab dileen

1-Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan  oo 22  sana jir ayaa Al Shabaab sheegeen in uu u shaqeenayay sirdoonka dowlada Mareykanka, waxa ayna sheegeen in Maxkamada ka hor qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay.

2-Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay ciidamada Mareykanka , waxa ayna sheegeen in ninkan uu Mareykanka ku hogaaminayay weerar ka dhacay degmada Saakow.

3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ayaa Al Shabaab sheegeen in uu la shaqeenayay Sirdoonka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay in qalab ku xiray labo gaari oo la duqeeyay  sidoo kale macluumaad gudbiyay.

4-Cawaale Axmed Max’med 32 sana jir ayaa isna lagu eedeeyay in uu u shaqeenayay Sirdoonka Britain MI5, waxaana Shabaab sheegeen in uu katirsanaa kooxda Daacish isagoo jaajuusna u ah MI5, waxaa sidoo kale ninkan sheegeen in uu jaajuusi jiray Soomaali kunool dalka Britain uu ka yimid ninkan.

5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin ayaa isna Al Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa sirdoonka dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Maxkamada Shabaab sheegtay in uu qirtay dambiyada loo heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -