Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Booliska DF oo soo bandhigay Sawirada iyo Magacyada askar shaqada laga eryey (Sawirro)

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey sawirada iyo magacyada askar laga eryey shaqada ciidankaas.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in labada askari ee shaqada laga saaray ay ku kaceen falal anshax xumo ah.

Maanta oo Taariikhdu tahay 23/05/2023 Waxaa lagu wargalinayaa Hay’adaha Amaanka Caasimadda iyo shacabka ku nool, in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed laga ruqseeyay labada askari oo magacooda iyo sawirkooda hoos ku xusan yihiin, ayadoo loo cuskanayo xeerka Ciidanka Boliiska, kadib markii ay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah, ayna jabiyeen waajib diini ah kadib markii ay maalin soon ah  bulshada dhaxdeeda  balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen , ayadoo aysan jirin sabab Caafimaadaro.

Magacayada askarta shaqada laga saaray ayaa lagu sheegay Cabdirisaaq  Aadan Calasow iyo  Cabdullaahi Max’ed Axmed, waana markii ugu horeysay ee taliska Booliska uu baraha bulshada ku baahiyo magacyada iyo sawirada askar lagu eedeeyey falal anshax xumo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiiyey caruur Soomaali ah oo lagu qabtay Zwolle (Sawiro)

admin

Masjidka Nasir Al Mulki oo si weyn usoo jiita Indhaha Dalxiisayaasha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo Weerar ku qaaday dhul howd ah ay ku sugnaayeen Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---