Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah

Taliska Mareykanka qeybtiisa Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa war qoraal ah oo ay soo saareeen waxaa ay ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalyahano tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha Mareykanka oo gacan ka helaya  ciidamada Soomaalida, waxayna duqeynta ka dhacday meel 40Km  Koonfur galbeed kaga toosan magaalada Muqdisho.

Maraykanka ayaa sheegaya in duqeynta oo dhacday 27-ka bishan oo ku beegan labo cisho ka hor lagu dilay 3 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay ineysan jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay duqeyntan, ayna sii wadi doonaan weererada ay la beegsanayaan wax ay ugu yeereen argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran: “Jawaabtu sidan wey ka adkaan doontaa, haddii ay Israel sameyso qalad kale”

Caydiid Ali

Toogasho qof lagu dilay oo caawa Muqdisho ka dhacday & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---