Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo dalka ka ambabaxay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku sii jeeda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha oo ay kaga qeyb gali doonaan shirweynaha Afrika iyo Shiinaha (Forum on China-Africa Cooperation).

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa intooda badan ka qeyb galaya shirka, waxaana maanta ka degay Shiinaha madax dhowr ah, iyadoo madaxweynaha Somalia uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay shirkaasi.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirkan, taasoo uu kaga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay dowladiisa, isagoo kulamo gaar gaar ah la qaadan madaxda ka qeyb galaysa shirkan caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -