Gabar qaab Matalaad lagu mehersaday iyada oon ogeyn !!!

Gabar 21-sano jir ah oo u dhalatay Hong Kong ayaa lagu qiyaanay matalaada ay sameeneysay, waxaana gabadha la mahersaday iyada oon ogeyn balse mooda in ay kaliya sameeneyso meher matalaad.

Sheekadan gabadhan ayaa waxaa si weyn u hadal haya Warbaahinta qaarkood, waxaana gabadhan mahersaday nin aysan aqoon wax xiriir ahna aysan la samkeyn xili ay sameeneysay aroos matalaad ah.

Waxa ay xustay gabadhan la qiyaanay in loo sheegaysay in ay caruusad ka noqon doonto aroos matalaad ah, arrintaasna ay qayb ka tahay tababar ku saabsan sidii ay u noqon lahayd qof aroosyada qabanqaabiya.

Xaflada arooska matalaada ayaa intii uu socday ayaa gabadhan iyo nin aysan aqoon waxa ay kala saxiixdeen waraaqaha sida sharciga ah la isugu mehersado, markii damabana waxaa dhacay meher ay gabadha mooday matalaad.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalo kutaalo dalka Shiinaha, waxa ayna gabadhan ogaatay in guurka matalaada lagu qiyaanay markii ay dib ugu laabaty Hong Kong oo markii hore ka tagtay .

Gabadhan ayaa dacwad ay u gudbisay booliiska ku guul dareesatay in wax loo qabto, waxa ayna booliiska u sheegeen in aysan heyn cadeyn muujineysa in maherka gabadhan lagu sameeyay uu khalad yahay.

Gabadha matalaada lagu mehersaday ayaa hada raadineysa wadooyin kale oo sharci ah si ay isaga furto ninka aysan aqoon ee ku guursaday qaabka matalaada ah, waxa ayna dacwadeeda u gudbisay ururo kala duwan si ay wax ugu qabtaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -