Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho qof lagu dilay oo caawa Muqdisho ka dhacday & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ku dilay  Nin la sheegay in uu ka mid ahaa ciidamada Dowladda Soomaaliya, balse aan xiligaas shaqada ku jirin.

Dilka ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Isbitaalka Kulmiye ee degmada Boondheere, waxaana Maamulka degmadu ay sheegeen in ninka la dilay uu ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya, Cali ayaana magaciisa lagu soo koobay.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Weheliye ayaa sheegtay in askariga uu ka tirsanaa saldhigga Galbeed ee degmada Dharkeynley balse maalmaahan uu nasasho uu kula joogay walaashiis oo degan Boondheere.

Waxay intaas ku dartay askariga uu qabay dhaawac hore, isla markaana fasaxa uu soo aaday guriga Walaashiis oo ugu dambeyn caawa la toogtay isagoo hortiisa fadhiya.

Ciidamada amaanka ayaa howgalo baaritaano ah ka wada degaano uu dilku ka dhacay, waxaana dilalka noocan ah ee loo geysto askarta iyo dadka la shaqeeya dowlada ay magaalada Muqdisho ka yihiin kuwo joogto ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Halgan iyo Sargaal Ciidan oo lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo safar aan horey loo shaacin dibeda ugu ambabaxay

Caydiid Ali

Taliyihii Ciidanka Booliska Goldogob oo la dilay iyo ragii dilay oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---