Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Habka Electroniga ee Maareynta Dacwadaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha oo la daahfuray (Daawo Sawirro)

Munaasabad weyn oo lagu daah furayay Habka Electroniga ee dacwadaha uu hir geliyaay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa lagu qabtay Xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer-ilaaliyaha Guud  Dr. Axmed Cali Daahir , Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyayaasha Maxkamddaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir, ku xigeenada Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, Taliyayaasha Ciidanka Asluubta iyo Booliska, dhammaan Howlwadeenada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guudee Qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, Ahmiyad gaar ahna uu u leeyahay Habka Electroniga ee dacwadaha Xafiiska xeer-ilaalinta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa bogaadiyay Habkan cusub, isagoona sheegay in arrintan ay cadeyn u tahay horumarka badan ee laga gaaray dib u habeynta cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed  oo soo xiray Munaasabadda ayaa sheegay in hanaanka electroniga ah ee Maamulka iyo Maaraynta dacwadaha in uu qayb ka yahay dib-u-habeynta Garsoorka iyo Xoojinta isla xisaabtanka Garsoorka dhexdiisa si loo xaqiijiyo in ummadda Soomaaliyeed cadaalad loogu adeego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame oo gaaray Garawe iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---