Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw Dhismaha Muqdisho Mall oo ku dhaxyaala Suuqa Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay goobta qaraxu ka dhacay ayaa aheyd meel mashquul badan oo ay ku yaaleen goobo ganacsi, waxaana halkaasi ku sugnaa dad shacab ah oo qaarkood goobtaasi u yimid dukaameysi.

Ku dhawaad 10-qof ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa ku dhinteen halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, dadka ay waxyeeladu soo gaartay qaarkood ayaa la sheegay in dhismayaal kusoo dumeen.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano kawada goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana wali la ogeyn bartilmaameedka rasmiga ha ee qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay meel ku dhagan Muqdisho Mall sidoo kale ku dhaw xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xili isbuucii hore qarax isna gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay goob kaalin shidaal ah oo kutaala agagaarka Daljirka Dhasoon, waxaana qaraxasi ku dhintay shacab iyo ciidamo katirsan booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -