Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame oo gaaray Garawe iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada heer federaal Mudane Maxamed Cawil Warsame, ayaa goordhaw gaaray magaalada Garowe ee caasimada Dowlad goboleedka Puntland.
 
Guddoomiyaha guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada iyo xubnaha la socda oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka dhaceysa magaalada Garawe.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada ayaana kor joogteyn iyo qiimeyn ku sameyn doona sida ay ku socdaan doorashada gollaha shacabka ee ka dhaceysa magaalada Garawe iyo hanaankii loo maamulayo.
Doorashada ka bilaabaneysa magaalada Garawe ayaa durba waxaa hareeyay buuq kadib markii qaar kamid ah musaharaxiinta kuraasta qaar sheegeen in la boobay kuraastooda lana xareeyay ergo iyo odayaal aan sax aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=riFvZvMQs8I&t=317s

Related posts

Jubbaland oo DF ku eedeysay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay Ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo

Cabdi Cade

Golihii Deegaanka Degmada Bardaale oo lakala diray iyo Gole cusub oo la dhisayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---