Cabdi Max’uud Cumar & lix kale oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Addis ababa

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale ayaa la soo taagay saaka Maxkamad ku taalla magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar oo xasaanadii ay ka qaadeen Baarlamaanka DDSI maalmo ka hor ayaa la xiray Isniintii isagoo laga kaxeeeyey guri uu deganaa oo ku yaalla magaalada Addis ababa.

Xeer ilaalinta dowlada Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix ka mid ah masauuliyiintii la soo shaqeysey ku soo oogtay dembiyo ay ka mid yihiin kicin qalalaase iyo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Mas’uuliyiinta kale ee Cabdi Iley lala soo taagay Saaka maxkamadda ayaa waxaa ka mida:

  1. Abdi jamal Kelonbi : – Wasiirkii Cadaaladda
  2. Rahma Mohammed : – Wasiirkii haweenka
  3. Ibrahim Mehd :- Wasiirkii waxbarashada
  4. Deeq Cabdullaahi
  5. Ibrahim Mohammed Mubarek – Duqa magaalada Jigjiga
  6. Cumer Abdi – madixii siyaasadda ee ee xisbiga dimoqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in haddii lagu helo dembiyada lagu soo oogayay muteysan karaan xabsi dheer, iyadoo dhegeysiga dacwadan ay qaadan doonto dhowr bilood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -