Mid ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Somalia oo saaka loo doortay Maamul cusub (Sawirro)

Golaha degaanka Magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa oortay Gudoomiye cusub ka dib doorasho saaka lagu qabtay Magaalada Garowe.

Waxaa doorashadan isku soo taagay Musharaxiinta kala ah, Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke.

Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa, wasiirka arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose C/llaahi Timacade, Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo xubno kale

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Garoowe ayaa ka kooban 27 Xubnood oo dhawaan la soo xulay .

Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Barre Siciid Muuse oo helay 18cod, halka Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke  helay 8 cod sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa ahaa ganacsade hore, isagoo ka mid ahaa asaasayaashii shirkadda korontada Garowe ee NECSOM, Wuxuu sanadkii 2005-kii ku biiray siyaasadda, isagoo noqday Xildhibaan Puntland.

Axmed Barre hadda wuxuu madax ka yahay bankiga Iftin qeybtiisa Garowe, dhawaan ayuuna ku dhawaaqay musharaxnimada duqa Garowe oo uu saaka ku guuleystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -