Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso:) Magacyada 8 Musharax oo ka tanaasulay doorashada Puntland

Illaa 8 musharax oo u tartamayay Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay  dhawaaqay inay ka tanaasuleen Doorashada 8-da bishan ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale), Cali Axmed Gamuuti, Cabdixakiim Cabdi Xaashi, Maxamed Salaad Qoryoolay,Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre, kuwaasuu u tanaasulay Saddex Musharax oo kala ah Siciid Cabdullaahi Deni, Cabdisamad Maxamed Galan iyo Dr Daahir Mire Jibriil

Waxay sheegeen in ay cududooda u midaynayaan sidii isbeddel looga taabba-gelin lahaa Puntland, isla markaana looga hortagi lahaa faragelin lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Puntland.

Labo musharax oo kala Saadiq Eenow iyo Siciid Qurbaawi ayaa iyana maanta xili hore sheegay inay u tanaasuleen Dr. Cali Ciise Cabdi, inkastoo Saadiq Eenow uu mar dambe ku dhawaaqay murashax Madaxweyne ku xigeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta daah-furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo kusii jeeda Degmooyin Al Shabaab heestaan

Cabdi Cade

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & Xildhibaan ku dhintay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---