Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo eedeyn kulul u jeediyey shirkadda Google

Madaxweyne Trump ayaa shirkadda Google ku eedeeyey in baaritaanno shirkadda lagu sameeyey ee xogtiisa ku saabsan ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn.

Qoraal uu Madaxweyne Trump boggiisa Twitterka ku qoray ayaa sheegay in shirkadda weyn ee dhinaca technolojiyadda ku horreyso wararka iyo warbixinnada ay isaga ka soo saarto ay google ka dhigeyso warbaahin gacan bidixeysa.

Inta badan wararka isaga ku saabsan ee ay ka qoraan waxay yihiin kuwa aan dhexdhexaad ahayn cadaadis weyn ku hayo.

Mercedes Bunz, oo ah macallin wax ka dhigo kulliyadda technoloojiyadda London ayaa  sheegay iney Google ay si weyn u caadeysatay iney qorto warbixinno xaqiiqda ka fog oo siyaasadeysan.

Wuxuuna Madaxweyne Trump cabashadiisa Google ku saabsan uu ku sheegay 96% warbixinnada la qoro oo google lagu soo bandhigo cinwaanka ay shirkaddu uga dhigtay “Trump News” xogta ku saabsan ay u qoraan si gacan bidixeyn ah”

Ms. Bolyard ayaa waxay sheegtay 96% xogta Google ay qorta iney CNN soo xigato sida uu Madaxweyne Trump uu horayba u sheegay, iyadoo shirkadda la eedeeyey ee google  aysan illaa hadda ka hadlin arrimahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax lagu aasay xaafad ka mid ah Magaalada Muqdisho oo la fashiliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Duq Magaalo iyo dad kale oo badan oo loo xiray Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---