Khamri & Xashiish lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay xaafada Shaqaalaha (Sawirro)

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay  waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka soo qabteen xaafada shaqaalaha ee magaalada Kismaayo.

Taliye-kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland  Gaanshaanle sare Xusseen Cali Xaashi ayaa ka warbixiyey maandooriyaha ay maanta soo bandhigeen ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose.

Gaanshaanle sare Xusseen Cali Xaashi ayaa sheegay in Khamri gaaraya 69 dhalo iyo Xashiish gaaraya 3.5Kg lagu soo qabtay howlgalka

“Ciidanka oo hayey xogta iyo dhaq dhaqaaqa dadkii waday maandooriyaha khamriga iyo xashiishada  ayaa ku guulaystay in gacanta ay ku dhigaan” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray in khamriga iyo xashiishka ay ka soo saareen god dhulka hoostiisa ah oo lagu qariyey.

Sidoo kale Booliska ayaa soo xiray nin iyo haweeney lagu eedeeyey iney ka ganacsanayeen maandooriyahan.

Taliye-kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland  Gaanshaanle sare Xusseen Cali Xaashi ayaa uga digay kooxaha ku howlan ka ganacsiga Xashiishka iyo khamriga iney ka waantoobaan arrintaas.

- Advertisement -