Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) War-Murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia

Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin:

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka  ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.

DHAMMAAD

Related posts

Sheekh Shaakir oo shaki galiyay Heshiiskii Ahlu Sunna iyo Dowlada Qoraalna soo saaray

Cabdi Cade

(Sawirro) Xukuumada Somalia oo ka guureysa Villa Somalia iyo xarun cusub oo loo dayactirayo

Caydiid Ali

Nuur Axmed oo Baaskiil ku tagay Sacuudiga si uu u guto Waajibaadka Xajka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---