Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyay farriin laga waday Évariste Ndayishimiye (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka Labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

Related posts

NISA oo shaacisay in uu is casilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Qoor-qoor oo war ka soo saaray doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo sheegtay howlgalo lagu dilay boqolaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---