NISA oo shaacisay in uu is casilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal ay ku baahisay barta ay Twitterka ku leedahay ku sheegtay in uu is casilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay khilaaf u dhaxeeya Hogaanka Al Shabaab oo u kala jabay labo garab uu sababay in uu is casilo Muuse Macalin (Mucaawiye) oo ahaa Madaxii amniyaadka Al Shabaab.

”Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay.” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Warkan kasoo baxay NISA ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Qoraal kale ay NISA soo saartay ku sheegtay in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Hogaanka ugu sareeya Xarakada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -