Dowlada Somalia oo sheegtay howlgalo lagu dilay boqolaal ka tirsan Al-Shabaab

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabsay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ka socda afar dowlad goboleed, wuxuna sheegay in dowladdu dishay in ka badan 200 oo Al-shabaab.

“Ciidanka Xoogga dalka waxay guulo horleh ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada. Howlgal ay ciidamada SNA ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug waxa ay ku dileen ku dhawaad 120 ka tirsan Khawaarijta, tiro kale oo badanna halkaas ayaa lagu dhaawacay” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in howlgal kale ay Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay 18 kale ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu ku sheegay inay doonayeen inay weerar ku qaadan xero ciidan.

Waxa uu sheegay in howlgal mar kale ka dhacay gobolka Mudug ay ciidamada xoogga ku soo qabteen Salmaan Daadir ‘oo ahaa sarkaal madax ka ahaa qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka sida uu yiri

Daa’uud Aweys ayaa intaas ku daray in howlgal kale oo ka dhacay isla gobolka Mudug oo ay ka qeybqaateen Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashana kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-shabaab uga dileen 50 xubnood, isla markaana looga qabsaday deegaanno kale.

Dhinaca Jubaland, wuxuu Wasiirka Warfaafintu sheegay inay ciidamada qalabka sida ‘ay fashiliyeen weerar  Al-shabaab ku soo qaadeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Hoose’ wuxuuna sheegay in weerarkaas looga dilay ilaa iyo 10 xubnood.

- Advertisement -