Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay Xaalada Sudan iyo Soomaalida ku go’doonsan

Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu si gaar ah isha ugu hayo xaaladda ka taagan Dalka Suudaan, gaar ahaan daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaasi ayaa, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Marwo Mariam Yassin Hagi Yussuf, waxaa ay walaac xooggan ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Suudaan, taasoo keentay in ay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo Arday.

Xafiiska Ergaygu waxaa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso.

Ergeygu waxuu sidoo kale qirayaa doorka muhiimka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo xiriir dhow oo ay la leedahay Safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda H.E. Abshir Cumar Jaamac (Haruuse).

Ergeyga ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo caro uga soo baxay shirkii Midowa Afrika, kuna soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Joachim Waern (Sawirro)

Cabdi Cade

Is afgarad lagu gaaray kulankii ay yeesheen Gudoomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenadiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---