Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo hal mar magacaabay Agaasime iyo Xoghaye joogto

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga  Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kamid ah Wasiirada ugu saameynta badan Xukuumada ayaa hal mar magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi iyo xoghayaha joogtada ee Wasaarada.

Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka ayaa magacaabay Agaasime cusub ee yeelaneyso Wasaaradiisa iyo xoghaye joogto, waxa ayna tani noqotay magacaabistii ugu sareysay uu Wasiirku sameeyo intii uu xilka hayay.

Wasiirka Qorsheynta ayaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda u magacaabay C/qaadir Axmed Warsame oo horey u ahaa Agaasimaha Wasaarada halka Assad Yuusuf Afrax oo horey u ahaa lataliyihiisa u magacaabay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Magacaabista halka mar uu sameeyay Wasiirka Qorsheynta ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo muran badana dhalisay, waxa ayna magacaabistan Wasiirka u sameeyay ay timid iyadoo R/Wasaare Kheyre joojiyay in Agaasime xil laga qaado ama loo magacaabo.

Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in boosaska Agaasimayaasha Guud iyo xoghayaha joogtada ay ku imaan doonaan tartan furan , mana muuqato ilaa hada Agaasime iyo Xoghaye joogte oo tartan furan ku yimid oo Xukuumadu qaadatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -