Abiy Ahmed oo ka hadlay sida laga yeelayo Madaxweynihii hore Soomaalida Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaca ka qaaday in cadaalada la horgeyn doono Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar .

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in arinta Cabdi Maxamed Cumar iyo xubno kale oo lasoo shaqeeyay ay u taalo sharciga iyo cadaalada dalka Itoobiya kuwaa oo ku qaadi doono dambiyada loo heesto.

“Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintii dhibaatada gaystay” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Waxaa la filayaa in dhawaan dacwado kala duwan lagu soo oogo Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo hada ku sugan magaalada Adis Ababa gacantana ugu jira dowlada Federaalka Itoobiya.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay intii uu maamulka hayay in ciidamada ka amar qaata ee lagu magacaabo Liyuu booliis ay dhibaatooyin iyo tacadiyo badan u geesteen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -