Xaaji Ciraaqi ah oo iska soo tuuray dabaqa sare ee Masjidka Xaramka (Daawo Sawirro)

Xaaji u dhashay dalka Ciraaq ayaa ku dhaqaaqay fal aad loola yaabay, markii uu iska soo tuuray dabaqa sare ee Masjidka xaramka ee magaalada Maka.

Xuseen Xamiid Alxeydari oo 43 sano jir ahaa ayaa markiiba dhintay markii uu dhacay dhulka Kacbada, waxaana la sheegay inuu koray halka ugu sareysa masjidka Xaramka oo uu dhaafay biro ku xeeran kadibna uu halkaasi iska tuuray, wuxuuna dhaawacay laba qof oo dadkii dhulka ku sugnaa ka mida kuwaasoo xaaladoodu ay soo hagaageyso markii isbitaal la dhigay.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqayey ereyo Shiiconimo ah iyo magaca hoggamiyaha Shiicada Ciraaq Muqtada Alsadr intii aanu ku dhaqaaqin falka uu isku dilay.

Lama oga illaa hadda sababta uu xaajigan falkan ugu dhaqaaqay inkastoo la sheegayo inaysan xaaladiisa caadi ahayn sababo la xiriira markii uu dhowaan geeriyooday wiil uu dhalay oo uu aad uga naxay.

Ninkan isdilay hooyadiis oo iyaduna markii uu is dilay gashay xaalad caafimaad darro ah, iyadoo la dhigay isbitaal xaaladeeda lagu darteelayo.

Meydka Xaaji Xuseen Xamiid Alxeydari waxaa haya ciidamada Amniga magaalada Maka, iyadoo mas’uuliyiinta xajka ee dalka Ciraaq ay wadahadal kula jiraan sidii loo aasi lahaa, wuxuuna falkan ahaa mid ku cusub xaramka iyo xujeyda muslimiinta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -