Boqorka ugu awooda badan Qaarada Afrika oo bedelay magaca dalkiisa (Daawo Sawirro)

Boqor Mswati saddexaad ee dalka Swaziland ayaa ku dhawaaqay inuu magaca dalkaasi u badelayo “Boqortooyada Eswatini.

Boqortooyada ayaa magaca rasmiga ah uga dhawaaqday garoon kubadda lagu dheelo xilli uu socday debaaldegga sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay markii Swaziland heshay madax bannaanida.

Inta badan dadka ku nool dunida ayaanay u suuragelin inay badalaan magaca dal uu leeyahay, hasa yeeshee Boqor Mswati oo ka mid ah ka mid ah boqorrada ugu awoodda badan caalamka. ayaa arrintaas sameeyay.

Debaaldegyada ayaa sidoo kale waxa ay ku soo beegmeen sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay dhalashada boqorka.

Magaca cusub ee eSwatini, ayaa waxa uu macnihiisu yahay “dhulka Swaziz”. Lama filayn in dalkaas magaca laga badelo, hasayeeshee Boqor Mswati ayaa muddo sanada ah waxa uu Swaziland ugu yeerayay magacan eSwatini.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -