Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka oo sameeyey kormeerkii ugu horeeyey (Daawo Sawirro)

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay wuxuu kormeer ku tagay isbitaalka Xoogga Dalka, isagoo u kuur-galayay xaaladda iyo habsami u socodka Howlaha Cisbitaalka.

Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga ah.

Dr. Mahad Cabdullaahi Nuur, Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee cisbitaalka xoogga ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira cisbitaalka,wuxuuna carabka ku dhuftay iney jiraan baahiyo kala duwan loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa sheegay in la dhisi doono Cisbitaalka weyn ee ciidamada xoogga, islamarkaan dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur, taasi oo qeyb ka mid ah taliska dhiira gelin ugu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay.

Dhinaca kale, Taliye Indha-Qarshe waxa kale uu kormeer ku tagay Villa Baydhabo, Qeybta saadka ee ciidanka xoogga dalka, waxaana Salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka,wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Xooga dalka sareeyo Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -