Masuul shaqadiisa ku waayey ciyaartoyga Lionel Messi oo uu wax ka sheegay

Xiriirka kubadda adduunka ee FIFA ayaa muddo 12 bilood ah shaqada ka hakiyay madaxa xiriirka kubadda cagta Falastiiniyiinta ka dib markii uu ugu baaqay taageerayaasha Falastiin inay dab qabadsiiyaan funaanadaha iyo sawirrada cayaaryahan Lionel Messi.

Jibriil Rajoub ayaa lagu ganaaxay inuu bixiyo 15,826 Gini ka dib markii lagu eedeeyey inuu jeediyay hadalo kicin iyo rabshado dhalin karo ka hor cayaartii saaxibtinimo ee dhexmari lahayd xulka Argentina iyo Israa’iil bishii June taasoo baaqatay.

Madaxa xiriirka kubadda cagta Falastiin Rajab hadda kama qayb geli doono tallaabo kasta oo ku lug leh cayaaraha.

Bishii June ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda Argentina Jorge Faurie uu sheegay inuu rumaysanaa in xulkiisa qaranka aysan ku rajo waynayn inay la cayaaraan xulka Israa’iil.

Markii la hakiyay cayaarta, xiriirka kubadda cagta Falastiiniyiintu waxay soo saareen bayaan ay uga mahad celinayan Messi iyo cayaartoyda kale.

Rajoub ayaa shir saxaafadeed ka sheegay sidatan ” Waxaa dhacay ayaa umuuqda in adduunka uu kaar cas uu taagay Israa’iil.

- Advertisement -