Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo bur bur qarka u saaran

Shirka Golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho uga socda Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa xiligan bur bur iyo fashil qarka u saaran.

Sida aan xogta ku heleyno madaxda shirka u socdo ayaa si weyn isugu haya uguna aragti duwan qaar kamid ah qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga doodayay sida amniga doorashada oo ah arinta la isku mari la yahay.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa u kala qeyb samay labo garab oo kala taabacsan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Roobloe, waxaana maanta marar badan shirka la joojiyay kadib markii la isku afgaran waayay.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa taageersan in amniga doorashada iyo mida guud lagu wareejiyo Ra’isul Wasaare Rooble halka madaxda kale ee maamulada Koonfur Galbeedm Galmudug iyo Hirshabelle kasoo horjeedaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa marar badan ku sigtay in uu shirka ka baxo kadib markii lasoo jeediyay in Rooble amniga lagu wareejiyo, waxa uuna Laftagareen si cad u sheegay in amaanka dalka looga dambeenayo Farmaajo.

Sida aan xogta ku heleyno madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa leh kulamo gaar gaar ah ay uga arinsanayaan xal u helida qodobkan xasaasiyada abuuray ayna isku afgaran la yihiin madaxda dowlad goboleedyada.

Villa Soomaaliya oo gadaal ka riixeysa qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa wararku sheegayaan in ay ka shaqeeneyso fashilinta shirka golaha wadatashiga, si mar kale doorashada dib ugu dhacdo una helo Farmaajo fursad dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -