Adeegii Internetka oo dib loogu soo celiyay Deegaanada Soomaalida Itoobiya

Waxaa dib loo fasaxay adeegii Internetka ee ka jarnaa bariga dalka Itoobiya ay ku jirto dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana Internet la’aanta saameyn badan ku yeelatay dadweyne badan oo aad ugu xirnaa.

Internetka ayaa laga jaray dhulka Soomaalida Itoobiya iyo deegaano kale oo kuyaala Bariga dalka Itoobiya kadib markii rabshado xoogan ka bilowdeen magaalooyin ay ku jiraan Jigjiga iyo Diri-Dhaba.

Dadka kunool Bariga Itoobiya ayaa si weyn usoo dhaweeyay adeega Internetka ay dib u heleen, waxa ayna maqnaashaha Internetka kusoo aaday xili ay isbadalo waa weyn ka dhaceen deegaanada Soomaalida Itoobiya.

Dowlada Itoobiya kama aysan hadlin sabbata loo jaray markii hore Internetka, hasa ahaatee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga cabsi qabay in Internetka qeyb ka qaato rabshadihii dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -