Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Bangiga Dhaxe ee magaalada Gaalkacyo

Ciidamo Gadoodsan oo katirsan Maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay Bangiga dhaxe ee magaalada Gaalkacyo, waxa ayna Ciidamada xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Bangiga.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamadan gadoodsan oo aad u hubeesnaa ayaa hakad galiyay shaqooyinkii kala duwanaa eeĀ  ka socday Bangiga, waxa ayna diideen in Bangiga laga baxo ama lasoo galo .

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo saraakiil ciidan ayaa ku baxay gadoodka ay ciidanka amaanka Puntland sameeyeen, waxaana socda dadaalo lagu qancinayo ciidankan si ay uga baxaan xarunta Bangiga Dhaxe ee Gaalkacyo.

Ciidamada maamulka Puntland oo ka cabanayay mushaar la’aan ayaa marar badan sidan oo kale ula wareegay Bangiyo kuyaala magaalooyinka Garawe iyo Gaalkacyo, waxaana inta badan ciidankan lagu qanciyaa in ay helayaan xaquuqdooda ka maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoonka Labada Aqal oo Caawa ka Heshiiyay Khilaafkii u dhaxeeyay

Cabdi Cade

Puntland oo 11-qodob oo Xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Tukaraq (Akhriso)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo Abaal marino qaali ah gudoonsiisay aktaro caan ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---