Jean-Pierre Bemba oo loo diiday in Doorasho Madaxweyne u tartamo

Guddiga doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa liiska Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha dalkaasi waxa ay ka saareen Siyaasiga Mucaaradka ee Jean-Pierre Bemba.

War kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in liiska Musharaxiinta  laga saaray Siyaasiga Mucaaradka ee Jean-Pierre Bemba, waxa ayna guddiga sababta ku sheegeen in dambi kusoo oogtay Siyaasigan Maxkamada Dambiyada Caalamiga.

Guddiga Doorashada ayaa sidoo kale liiska Musharaxiinta ka saaray 5-Musharax kale oo iyana Mucaarad ah kuwaa ay ku jiraan Antoine Gizenga iyo Adolphe Muzto oo Ra’isul Wasaare labaduba kasoo noqday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Jean-Pierre Bemba oo kamid ahaa xubnaha loo saadaalinayay in doorashada kusoo bixi karaan ayaa dhawaan xabsi uu ku xirnaa 10-sano laga sii daayay kadib markii Maxkamada Dambiyada caalamiga ay ku weysay dambiyo loo heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -