Kooxdii fulisay dilka Madaxweynihii Haiti oo la qabtay lana soo bandhigay (Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Haiti ayaa gacanta ku dhigay koox calooshood u shaqeestayaal ajaaniib u badnaa kuwaa oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii dhawaan gurigiisa loogu geestay Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse.

Kooxdan ciidamada booliiska qabteen ayaa u badnaa kuwa taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilalka, waxa ayna kooxdan u badnaayeen askar howlgab ka noqotay ciidamada dalka Colombia.

Taliyaha Booliska dalka Haiti, Léon Charles ayaa sheegay in kooxda weerarka fulisay in ay ka koobnaayeen 26-nin oo u dhalatay dalka Colombia, labo nin oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Haiti balse heesta dhalashada dalka Mareykanka.

Ciidamada amaanka Haiti ayaa gacanta ku dhigay 17-nin oo kamid ahaa kooxda dilka fulisay oo labo kamid ah heestaan dhalashada Mareykanka, ciidamada ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira 8-nin oo baxsad ku jira.

Booliiska Haiti ayaa sidoo kale toogasho ku dilay qaar kamid ah ragii ka dambeeyay dilka Madaxweynihii Haiti xili ay isku dayayeen in ay baxsadaan, kooxdan la dilay iyo kuwa la qabtay ayaana dhamaan ahaa calooshood u shaqeestayaal lasoo kireestay.

Kooxda calooshood u shaqeestayaasha ayaa galay guriga Madaxweynaha Haiti Jovenel Moïse xili habeen ah, waxa ayna 12-xabadood ku dhufteen madaxweynaha oo geeriyooday halka xaaskiisana dhaawaceen.

Wali lama oga sababta loo dilay Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse iyo waliba cida qorsheesay dilkiisa, waxaana talada dalkaasi hada la wareegay Ra’isul Wasaaraha dalkaasi  Claude Joseph.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -