Ma dhabbaa in R/wasaare Kheyre ka dalbaday xoghayaha xafiiskiisa inuu xilka ka dago.? [WARBIXIN]

Warar ku dhow dhow xafiiska R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in  Xassan Cali Kheyre uu ka dalbaday Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiskiisa Axmed Nuur Max’ed Cabdi inuu is casilo, iyadoo  ay arrintani ay ka dambeysay markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira musuqmaasuq, wax is-daba marin & haykalkii dowladnimada oo loo isticmaalay hab qabyaalad & naas-nuujin ku dhisan.​

Dacwadda laga keenay xoghayaha waxey ku saabsan tahay lacago loogu talogalay mashaariic & kuwa ay bixiyeen hay’addo caalami ah si shaqooyin gaar ah loogu qabto oo jeebka lagu shubtay,  ​

Arrintani waxay bannaanka u soo baxday markii xubin ka tirsan qeybta maaliyadda xafiiska R/wasaaraha oo qariyey magaciisa  saxaafadda u soo dusiyey inuu diyaarinayo dacwad ka dhan ah xoghayaha, isagoo tilmaamay inuu goob joog u noqday musuqmaasuqa ka dhex jira xafiiska Kheyre oo gaaray in  dacwado loo qoro hay’ado caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ka kaba dowladda lagu gilgilay R/wasaaraha. ​

“Marka aad ka shaqeyneyso xafiiska R/wasaare Kheyre, ee aad u jeedo hantida tirada badan ee ay ummaddu leedahay ee sida xisaab la’aanta ah jeebka loogu shubanayo & sida shaqsiyaad daneystayaal ah iyaga oo shaarkii dowladnimada huwan si xun oo xil leh awooddii u isticmaalayaan, ee haddana aad dhageysato khudbadaha isla xisaabtanka ee uu jeedinayo R/wasaaraha meel baa runtii ku damqaneysa, ummadda sharafteeda & hantideeda ha loo turo haddii wax yar oo damiir ahi innagu jiro” ayuu yiri mas’uulkaasi ka tirsan xafiiska R/wasaaraha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shaqsiyan Kheyre aanu tuug aheyn, ayna ka go’an tahay in dalkan uu ka samatabixiyo marxaladda adag ee uu ku jiro, balse haddii aanu wax ka qaban 2 canleynta & qabyaaladda xoghaya uu dambiga xatooyada wax ku yeelanayo.​

R/wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa dad badan oo mucaarad & muxaafid isugu jira waxeey u qireen inuu noqday mas’uulkii ugu horreeyey ee isbedel la taaban karo ay xukuumadiisa ka sameysay hannaanka maaliyadda dalka, hasse ahaatee eedeyntan musuqmaasuqa ah ee loo haysta xoghayaha ayaa u muuqata mid mugdi gelineysa kalsoonidii​

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -