Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Shacab careysan oo Garbahaarey ku dhaawacay Wasiiro uu dirsaday Axmed Madoobe

Maanta oo Jimco ah waxaa ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo banaanbax looga soo horjeeday Wasiiro gaaray magaaladaasi oo ka ka socda dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirada gaaray Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Jubbaland Xirsi Gaani.

Banaanbaxan ayaa waxaa horkacayay masuuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadaoo wadooyinka magaalada ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan, kuwaasoo ka soo horjeeda Wasiirada oo gogolxaar u ahaa socdaal la filayo inuu halkaas ku tago Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la soo warinayaa inay si toos ah u beegsadeen Wasiirada, iyagoo dhagxaan roobka kaga dhigay.

“Ma ahi imaamkii ugu horreeyey oo isagoo dantooda ku boorrinaya ay caamo tolkii ahi wejigiisa dhagaxyo la beegsadeen” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi oo hadalkan ku soo qoray baraha bulshada.

Maamulka iyo shacabka magaalada Garbahaarey  ayaa diidan siyaasada Axmed Madoobe uu kala horjeedo dowlada federaalka ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo isagu heyb ahaan ka soo jeeda gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada oo diyaarisay qorshayaal lagu fashilinayo Banaan baxa ay iclaamiyeen Musharaxiinta

Cabdi Cade

(Sawirro) Booliska Maraykanka oo 12 sano ka dib gacanta ku dhigay Yaser Abdel Said

Caydiid Ali

Bangi qeybiyay xogta dadka Akoonada ku leh iyo Kooxo burcad ah oo ka faa’iideestay

Cabdi Cade