Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Saraakiil British ah oo tababaray boqolaal ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed

Saraakiil ka tirsan Ciidanka UK oo ku sugan Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray ciidan ka badan 500 askari oo loogu tala galay inay ka qeyb qaataan dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilaabanaya gobolada Bay iyo Bakool.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidamadan, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay dalkooda difaacaan.

Taliye kuxigeenka ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad Khaliif C/naasir ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin tababarka loo soo xiray ciidankan, wuxuuna tilmaamay in ciidankan la baray hawlo badan oo la xiriira arrimaha ciidanka,  ayna ka tayo badan yihiin kuwii hore.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna sheegay in Koonfur Galbeed ay ku faraxsan tahay in cidiankooda ay helaan tababaro heerkoodu sareeyo.

“Dowladda UK waxyaabo badan ayay ummadda Soomaaliyeed ka caawisaa, keliya arrimaha ciidamada nagama taageerto, ciidankan waxay la dagaalami doonaan nimanka cadowga ah ee Al Shabaab, waxaan idinkula kula dardaarmayaa dalkiina iyo dadkiina aad u dhaarateen inaad difaacdaan”. ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka hadlay geerida Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid

Caydiid Ali

Maxay siyaasiyiinta ugu caansan mucaaradka ku diideen kulanka Qoorqoor?

Caydiid Ali

Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay danjire Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---