Akhriso: Labo arrimood oo uu mamnuucay Madaxweynaha cusub ee DDSI

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa fasaxay arrimaha dacaayadda iyo in maamulkiisa la dhaliilo.

“Dadka dacaayadda waa u fasaxan yihiin, waa nala dhaliili karaa cid loo waxyeeleyn doono ma jirto, qof kasta fekerkiisa ayuu ka hadli karaa” ayuu yiri cagjar isaga oo intaasi raaciyey inuu ka shaqeyn-doonno arrimaha xuquuqul insaanka, kuna baaqay is-cafis.

Madaxweynaha cusub ee Somali state Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ka digay 2 arrin oo aan laga ogoleyn maamulkiisa iyo guud ahaan Itoobiya.

“In qabaa’ilka la iska horkeeno waa mamnuuc, waa la oran karaa reer hebel ayaa wax badsaday, reer hebel ayaa yaacaya, waxaa la oran karaa Mustafa ayaa meesha yimid oo reerkoodii ayaa yaacaya, waxaas dhib ma leh, laakin reer hebelow reer hebel ku duula, waa qalad lamina aqbalayo” ayuu yiri madaxweynaha

Qodobka labaad ee aysan ogoleyn maamulkiisa ayuu sheegay iney tahay wixii wax u dhimaua diinta iyo akhlaaqda.

“Waxaa kale oo qalad ah, wixii diinta iyo akhlaaqda ay diideyso, sida sawirro qaawan, aflagaaddo ama cay noocaas, wixii intaas ka baxsan wax walbo waa laga hadli karaa” ayuu intaa ku daray madaxweyne cagjar oo fikradiisa u fasaxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -