Madaxweyne Trump oo hanjabaad yaab leh u diray shacabka Maraykanka

Madaxweyne Trump ayaa ka digay in Mareykanka uu wajihi doono burbur dhaqaale oo xoog leh haddii dacwad lagu soo oogo.

Madaxweyne Trump oo u warramayey telefishenka Fox News ayaa waxaa kale oo uu sheegay in burbur uu ku imanayo suuqyada Mareykanka, cid walbana ay sabool noqon doonto.

Trump ayaa difaacay guulaha uu soo hoyey muddada uu xilka hayey, isagoo sidoo kale sheegay inuu qabtay howl badan oo aysan madaxdii ka horeysay.

Talaadadii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii qareenki hore ee madaxweyne Trump Michael Cohen uu qirtay inuu jebiyay sharciga ololaha doorahsada, isagoo ka amar qaadanaya madaxweyne Trump, waxaana laga yabaa in maxkamad lasoo taago.

Xisbiga Jamhuuriga ee hogaamiya dalka Mareykanka ayaa ka walaacsan in dacwad lagu soo oogo madaxweyne Trump, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato doorashooyinka Congres-ka ee bisha November.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Jeff Sessions ayaa sheegay in aysan shaqeyn doonin cadaadis siyaasadeed oo la saaro waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -