Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan looga hadlay lix qodob (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, kaas uu goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.

Shirkan ayaa Inta uu socday waxaa warbixina quseeya xaaladaha Degmooyinka iyo howlaha ka socda laga dhageestay mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka, iyada oo arrimaha laga hadlay ay kamid yihiin.

1- Howlgalada Amni ee ka socda Caasimadda.

2- Arrimaha lagu maareynayo Mooto Bajaajta oo dhawaan laga soo saaray sharuuc lagu hagayo.

3- Furista qaar kamid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee u xiran sifa aan sharci aheyn.

3- Dardargalinta Nadaafada iyo bilic soo celinta.

5-Xoojinta la dagaalanka Maandooriyaha iyo Ciyaal Weerada.

6- U diyaar garowga Muunaasada Ciidul Fidriga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaasha Degmooyinka Iyo Aggaasimayaasha kulanka ka qeybgalay ayaa la faray in ay si hufan u gutaan mas’uuliyada ay bulshada u hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo eedeyn & digniin isugu daray Madaxda dowlada federaalka

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulankii madax goboleedyada & Midowga Musharaxiinta?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay dhismooyin ay yeelanayaan Saddex Hay’adood (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---