Axmed Madoobe oo eedeyn & digniin isugu daray Madaxda dowlada federaalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in aysan ku dhaqmeyn dastuurkii loogu tala galay in dalka lagu maamulo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii aan aan dastuurka lagu dhaqmin aysan jirin cid cid kale awood u sheegan karta, isagoo xusay in fara gelinta dowladu ku heyso dowlad goboleedyada aysan aheyn mid loo dul-qaadan karo.

“Anagu ma nihin dowlad goboleedyo dowlad dhexe ku heysta awooda uu dastuurku siiyey, balse mida kaliya ee aan ku dhaliilsannahay waa ku dhaqan la’aanta sharciga” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay inay ixtiraamto dastuurka KMG ah hadii kale qaadi doonto masuuliyada wixii dhaca.

Waxaa uu sheegay in waxa ka socda Koonfur Galbeed ay yihiin wax ka baxsan dastuurka, isla markaana dowladda dhexe ay ku qaaday duullaan aan loo meel dayin.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inay masuuliyiinta dalku aanay war ka ahayn wixii lasoo maray iyo halka uu wadanku ka yimid taasina ay daliil u tahay sida aan khasaaro ka  leexashada lahayn ee ay xaaladaha soo wajaha u maaraynayaan sida uu yiri.

Axmed Madoobe ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo, isagoo walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalka Axmed madoobe ayaa ku soo aadaya xili shalay uu is casilay saaxiibkiis Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay ku wada jireen golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -