Saddex Madaxweyne oo loo xilsaaray xalinta dagaalada ka holcaya Sudan

Saddex ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka dhaca dhanka bari ee qaaradda Afrika, ayaa qorsheynaya inay saddex hoggaamiye u diraan dalka Sudan, si ay u dhex dhexaadiyaan ciidamada isku haya oo maalintii 3aad  ku dagaalamaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaas.

Urur goboleedka IGAD, ayaa wuxuu isku raaceen in madaxda dalalka Kenya, South Sudan iyo Djibouti loo diro caasimadda magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

IGAD ayaa sidoo kale dalbatay xabbad joojin degdeg ah, oo la dhex dhigo dhinacyada isku haya Sudan.

Marka laga reebo xirnaanshaha garoonka caalamiga ah, lama hubo xilliga uu bilaabanayo qorshaha nabadda.

Dagaalka ayaa weli socda, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda, iyo kuwa gurmad ah ee RSF, inkastoo beesha caalamka dalab u dirtay dhinacyada dagaallamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -