Dagaal goor dhow ka bilowday Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal ayaa goor dhow salaadii casir ka hor waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaaray labo ciidan oo iska soo horjeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhacay degmada Shingaani gaar ahaan inta u dhexeysa xaruntii Madbacada Qaranka & xarunta ciidanka taraafikada.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in la isku adeegsaday hub fudud iyo boobayaasha culus, iyadoo xaafadaha ku dhow goobtaas laga kala cararay.

Rasaas culus ayaa weli la maqlayaa mararka qaarkood, iyadoo dagaalkani uu bilowday sida wararku sheegayaan markii ciidamo ka tirsan dowlada ay tagaeen dhisme halkaas ku yaalla, kuna amreen dadkii degenaa iney deg deg uga guuraan, taasoo keentay in dadkii guriga degenaa ay u yeertaan ciidamo kale oo sababay inuu halkaas ka qarxo dagaal.

Xaalada ayaa weli kacsan waxaana la maqlayaa rasaas culus oo mararka qaarkood dhaceysa, iyadoo goobta uu ka dhacay iska horimaadka ay wax ka yar 1-km u jirto xarunta maamulka gobolka Banaadir,lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -