Nayef Falah Mubarak oo ka hadlay heshiiskii ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Golaha Iskaashiga ee Wadamada Khaliijka Carabta ayaa si diiran usoo dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay gaareen wadamada Soomaaliya iyo Kenya dibna ugu soo celiyeen xiriirkooda diblumaasi.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga ee Wadamada  Khaliijka, Dr. Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, ayaa sheegay in talaabada ay qaadeen labada dowlad ee Soomaaliya iyo Kenya ay tahay mid wanaagsan oo bogaadin mudan.

Waxa uu sheegay Dr. Nayef Falah in go’aanka ay labada dal ku heshiiyeen kuna soo celiyeen xiriirkooda ka dhalan doonto wanaag iyo barwaaqo u horseedi doonto shucuubta labada dal, laguna gaari doono nabadgelyo iyo xasillooni dhexdooda ah.

Golaha Iskaashiga ee Wadamada Khaliijka ayaa ku amaanay dowlada Qadar doorkii ay ka qaadatay wadahadalka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo dib usoo celinta xiriirkii xumaaday ee labada wadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -