Allbanaadir.com
NEWS

Ninka gaarigiisa kula safray Shinni badan iyo hadal heyn ka dhalatay

Shinnida waxaa loo arkaa nasiib ma la arag ah gudaha Shiinaha waana sababta ninkan aad u jeedaan uu u doortay inay la qeybsadaan gaarigiisa markii ay ka dhex sameysatay goob ay ku hoyato.

Muuqaalka ninkan oo aad ugu baahay baraha bulshada Shiinaha ayaa la arkayaa isaga oo kaxaynaya gaarigiisa oo madaxiisa korkiisa ay ku urursan yihiin kolonyo shinni ah, dad badan waxay ka nixi lahaayeen aragtida Shinni qolka ugu soo gasha, laakiin darawalkan oo la yiraahdo Yao wuxuu u arkay nasiib iyo cawo dhalad inay gaarigiisa ugu dhex timid. Wuxuuna xattaa soo qoray ‘goor dhow waxaan noqon doonaa maalqabeen.’

Ma cadda sida ay Shinnidan ugu dambeyntii ku timid gaariga gudihiisa, laakiin muuqaalkeeda ayaa aad ugu baahay baraha Shiinaha.

Dad badan oo muuqaalkiisa daawaday ayaa bogaadiyay darawalka, waxayna ku sheegeen halyay badbaada Shinnida qeyb muhiim ah ka qaadanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in dowlada federaalka ay Itoobiya ku xirtay saddex Gudoomiye degmo?

Caydiid Ali

DEG DEG: Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Xerada Gen. Gordan ee Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---