Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen gaari bas ah oo ka baxay Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi.

Gaariga ayaa xiliga la weerarayay marayay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo deegaanka Katimho, waxaana dagaalyahanada Al Shabaab rasaas culus ku fureen gaariga baska ah markii uu diiday in uu joogsado.

Gudoomiye kuxigeenka magaalada Mandheera ayaa Warbaahinta u sheegay in dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerareen gaariga baska ah, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi ku dhaawacmeen 8-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Waxa uu sheegay Gudoomiye kuxigeenka Mandheera in ciidamada amaanka wadaan howlgalo balaaran oo ku baadi goobayaan dableydii ka dambeesay weerarka lagu qaaday gaariga baska ah.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday basas ku safrayay deegaanada Waqooyi bari Kenya, waxa ayna inta badan Al Shabaab beegsadaan dadka ajaaniibta ah gaar ahaan kuwa ana muslimka aheyn ee la socda basaska ay weeraraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta Yeman Oo Taageertay Dowladda Soomaaliya Una Digtay Imaaradka Carabta

Cabdi Cade

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si adag uga hadlay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Dowladda Federaalka oo 90% batroolka & Gaaska u saxiixday Turkiga !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---