Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in dowlada federaalka ay Itoobiya ku xirtay saddex Gudoomiye degmo?

Xildhibaan Sacdiya Salaad Samatar oo kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeysay xukuumada federaalka iney dalka Itoobiya ku xirtay guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Waxay intaas ku dartay in cadaeymo loo hayo xarigooda iney ka dambeysay dowlada Somalia, iyadoo arrintaas ku tilmaantay arrintaasi mid laga xumaado, waxayna ka dalbatay madaxda dowladda federaalka inaysan awood u adeegsan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Dowladda waxay horay ay Itoobiya ugu dhiibtay Qalbi-dhagax, haatanna waxay ku dartay guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq Beledxaawo iyo Dooloow oo maalintii shalay aheyd ay xireen ciidamada Itoobiya” ayey tiri xildhibaanada

Sidoo kale Xildhibaan Sacdiya ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeysay inuu wato dowladda Itoobiya, waxayna tilmaamtay in xiligan dalka lala wareegay, iyadoo xustay in sababta loo xiray masuuliyiintan ay tahay taageero ay u muujiyeen Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdi janan oo Muqdisho ugu xiran dowlada.

Ma jiro war ka so baxay dowlada Somalia oo jawaab u ah eedeymahan, sidoo kale ma jiraan warar madax banana oo xaqiijinaya ama beeninaya xariga xildhibanadu sheegtay in loo geystay masuuliyiintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi ka digay in Dhibaato ka daran Al Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya 

Cabdi Cade

Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo xilka laga xayuubiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo laga helay nooca cusub ee cudurka COVID-19 Amicron

Caydiid Ali
Taboola Ads ---