Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay Shir degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda IGAD (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Related posts

Maraykanka oo fariin cusub u diray Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo gaaray Gaalkacyo, si diirana loo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay shalay ka geesteen Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---